Home / Wararka / Xukun ruwaayad ah oo lagu riday Milkiilaha Idaacada Shabelle iyo Maxamed Bashiir

Xukun ruwaayad ah oo lagu riday Milkiilaha Idaacada Shabelle iyo Maxamed Bashiir

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa xukun ku riday Wariye Maxamed Bashiir gabar sheegatay in la kufsaday iyo Milkiilaha Idaacada Shabeele C/maalik Yuusuf Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir Xaanshi Cilmi Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dood dheer iyo dhageysi kadib in maxkamada Gobalka Banaadir ay maanta xukun ku riday eedesanayaasha C/maalik Faadumo C/qadir iyo Maxamed Bashiir Xaashi.

Xukunka lagu riday ragan ayaa kala ah: C/maalik waxaa lagu xukumay 1-sano oo xarig  ah, kaas oo uu iibsan karo.

Wariye Maxamed Bashiir waxaa lagu xukumay 6-bil oo xarig ah wuxuuna iibsan karaa xariga.

Faadumo C/qaadir waxaa lagu xukumay lix bilood oo xarig  dibad joog ah.

About author

author

2 comments

  1. K.k.k.k. Musuqmasuq dowladan iyada aya ku dhisan goobale iyo qaafow o hanti shacab malin walba dhaca may xukunto haday cadalad jirto waxan oran kara dowladan waqtigeda aya gabogabo ah k.k.k.k. Xasan garguurtoow waaga aya k u dilaaci doon

  2. Adeer hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho xasan isagaa xaaraan ku yimid ma mid kale oo isna xaaraan ku naaxay ayuu xukumi karaa

live webcam girls
Scroll To Top