Home / Wararka / Horjooge Xasan Daahir oo la sii deynayo isagoo aan ka tanaasulin Fikirka Al-shabab

Horjooge Xasan Daahir oo la sii deynayo isagoo aan ka tanaasulin Fikirka Al-shabab

Horjooge Xasan Daahir oo in mudo ah u xirnaa dowladda Xasan culusow ayaa wasiirka arimaha gudaha Cabdikarim Guuleed waxa uu sheegay in la siideynayo iyadoo uu weli ku dhegan yahay afkaartii Al-shabab ee uu aminsana.

Xasan Daahir oo la ogaa dambiyada uu ka galay soomalida iyo afkaarta sunta ah ee uu xambarsan yahay ayaa dowladda u xilsaartay rag siyaasiyiin iyo odayaal ah oo ka soo jeeda beeshiisa in ay ku qanciyaan in uu ka tanaasulo fikirka Alshabab laakiin waa uu diiday, dhowr kulan oo ay la qaateen, kuna baryeen in uu mar un afkiisa ka sheego in uu ka talaasulay fikirka Ashabab ayaa uu gaashaanka ku dhuftay.

Siideynta Xasan Daahir ayaa fadeexo ku ah dowladda, sida ay fadeexo ugu ahayd xirigiisa waayo waxa ay muujineysaa in nidaam dowladeed uusan meesha ka jirin ee tahay dowladda mid ku hoos nool raxmada qabiilka uu ka soo jeedo Xasan Daahir, beeshiisana aysan ogolaaneyn in wiilkooda sii xirnaado, waana tan maanta cadaatay oo Cabdikarim Guuleed inta uu u yeeray odayaasha beeshiisa uu ku yiri Xasan waa fasaxnay.

Horjooge Xasan Daahir waxa uu ka tirsanaa oo hogaamiye sare uu ka ahaa Ururka mayalka adag ee Al-shaba, waxa uuna xambaarsan yahay afkaarta sunta ah ee lagu laayo soomalida, sidaas darteed siideyntiisa waxa ay khatar ku tahay soomaliya, waxa ayna cadeyn u tahay in dowladda Xasan culusow madaxdeeda ay xiriir la leeyihiin Al-shabab.

Ku dhawaaqida sii deynta Horjooge Xasan Dahir ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Jimcihii lagu dilay gudaha madaxtooyada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaliya oo lagu magacaabo Faysal warsame Maxamed.

About author

author

One comment

  1. waa arin markii horaba aan fileynay in meesh aan dowlad lagu haynin waana dhaqan hahiye in xasan dahi aweys kuwa lamid ah lasii daayo ,waxay u arkaan hiirow baldib u fiiri indhacade muuse suudi qanyare goobaale qaafow intaas oo dhan waa danbiilayaa laakiin hawiye waxay u arkaa geesiyaashoodii waana lataliyaashii xasan culusow ,illaahow umada u maciin

live webcam girls
Scroll To Top