Home / Wararka / Nin darawal ah oo Afgooye lagu dilay, Yaa dilay?

Nin darawal ah oo Afgooye lagu dilay, Yaa dilay?

Wararka ka imaanayo degmada Afgooye ayaa sheegaya in saakey nin darawal ah lagu dilay afafka hore ee degmada Afgooye kadib markii dabley hubeysan ay uga soo baxeen meel wadada dhinaceeda ah.

Gaariga ayaa  ka yimid dhanka Muqdisho  kuna sii jeeday Afgooye, rakaabka gaariga ayaa sheegay in dableyda oo ku diyaarsanaa afafka hore ee Afgooye laga soo galo ay si kadib ah uga soo hor baxeen gaariga ay saarnaayeen, intaa kadib dableyda ayaa isla markiiba weydiiyey darawalka in Mobile kiisa iyo lacagta uu ku soo wareejiyo, kadib markii darawalka uu ka madax adeegay inuu dhiibo Mobilekiisa iyo lacagta ayey rasaas la dhaceen darawalkii gaariga oo halkaas ku geeriyooday.

Afgooye waxaa ku sugan ciidamo mooryaan ah oo dhac, kufsi, dil u geysto shacabka, mooryaantaan ayaa daacad u ah hogaamiye kooxeedka Habargidir ee Goobaale iyo nin kale oo lagu magacaabo CAJIIN oo ay isku reer yihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh. Dadka deegaanka  iyo dadka safar ahaan ku maro Afgooye ayaa qaati ka taagan mooryaanta hororka ah ee ku howl gala magaca Milateriga dowladda Somalia.

 

info@markacadey.com                        info@markanews.net

About Markacadey

Markacadey

2 comments

  1. waxa sharaf dhac u ah dawladda in ay maalin walba ay arkeyso mooryaan ku labisan dareewska dawladda oo wax yeeleynayo dad masakin ah oo kula kacaayo dhac dil iyo kufsi iyado dawladda aysan illa iyo hadda aaysasn waxba ka qaban waxa kalo lala sii yaaba in ay dawlada ay ogtahay dadkaas inay yihiin kuwo saraakiil sare ka ah dawladda, kuwasi ma qaanuunkey ka sareeyaan? gobolada bari iyo waqooyi kama maqleysid ciidamada maamul goboleedyaddoa ayaa dhac iyo kufsi u geesto dadka degaaankooda bal way la dagaalamaan hadii ay arkaan qof ku dhaqaaqayo arimahan sidaasey horumar ku gaareen waana illaah mahaddii lakin dadkan aad moodo bahalada ee unool oo kaliya inay wax dhacaan ama dilaan ama kufsadaan haddi ay dawlada la dagaalami wayso waxay u horseedi doonaan inay burburto dawladdas,e intey in tahay haliska qabto dadkaas….

  2. xassan guurguute waa qabyaaladaste sidaa darteed ayuu wuxuu dib usoonooleeyay hogaamiye kooxeedyadii iyo horjoogayaashii mooryaanta sida goobaale qaafoow magan cajiin mudane iyo indha cade wuxuu u soo labisay dharkii ciidamada soomaaliya hubkii dawlada ayay shacabkii kugumaadaayaan inta ay taasi jirto nabad iyo dawladnimo midna lasugi maayo ilaahoow kuwaan ummada dhinac u dhaafi oo badal khayr qaba ukeen

live webcam girls
Scroll To Top