Home / Wararka / C/ YUSUF (AUN) MUXUU KAGA DUWANAA C/QAASIM IYO XASAN SHEEKH NIDAAMKA DOWLIGA?

C/ YUSUF (AUN) MUXUU KAGA DUWANAA C/QAASIM IYO XASAN SHEEKH NIDAAMKA DOWLIGA?

cabdullaahi2520yuusuf

Sanaddii 2003, Cali Khaliif Galeyr oo xiligaas ahaa Raiisul wasaarihii xukuumaddii Carta ee KMG aheyd waxa uu yiri hadal micno weyn xambaarsanaa oo in badan naga mid ah ay ku adkeyd inay dhuuxaan ujeedda uu ku qotomay. Wuxuu yiri” NABADDA SOOMAALIYA WAXA AY KU JIRTAA IYADA OO XAL LAGA GAARO SH/HOOSE IYO JUBADA HOOSE.”

Sida aad la socoto akhristow, markii C/qaasim lagu soo doortay Carta, bulshadu waxay ku hanweynd in uu la yimaado cadaalad iyo waxqabad dowladnimo. hase yeeshee wuxuu la yimid khiyaano qaran sida; lunsasho hanti qaran iyo inuu horseed u noqdo barakicin iyo dhulboob dadkii deganaa Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka.

Isaga oo adeegsanayey lacago bulshadu Caalamka ugu deeqday dowladdii uu madax ka ahaa , C/qaasim Salaad Booy wuxuu isla markiiba magacaabay;
1-Indhacade in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose
2-Farabadan degmada Afgooye
3-C/hi Dhuxulow degmada Baraawe

Waxa uu sidoo kale garab istaagay Yuusuf Mire Seeraar iyo Goobaale inay ku amar taagleeyaan gobolada Jubooyinka. dhamaan raggaasi uu u magacaabay jaggooyinkaasi ma aha rag ka soo jeedda deegaanadaasi laakiin isaga ayey isku heyb ahaayeen. Talaabooyinkasi guracan ee cadaalada ka fog markii uu saldhig ka dhigtay waxa uu isla markiiba lumiyey kalsoonadii iyo taageerada ay dadka goboladaasi u hayeen dowladiisa. Madaxdii ugu horeysay ee ka soo jeeday gobollada koonfureed ee diiday inay C/qaasim la shaqeeyaan ama xil ka qabtaan dowladiisa waxa ka mid ahaa; Ambassodar C/hi Sheekh Ismaaciil iyo Allah u naxariistee Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) Labadaasi siyaasi markii ay arkeen dhibaatada maatidooda lagu hayey waxa ay doorbideen inay qeyb ka noqdaan aasaasayaashii SRRC ee markii dambe Baydhabo saldhiga ka dhigtay.

Haddaba 15 billood ee Xasan Sheekh Maxamuud uu kursiga ku fadhiyo muxuu qabtay?
Sida warar xog ogaal sheegayaan C/qaasim oo aan waxqabadkiisa kor ku soo xusay ayaa waxa uu maanta lataliye u yahay Xasan Sheekh.

C/qaasim iyo Xasan Sheekh oo si qarsoodi wax iskula wada, waxa ay abaabuleen shirar Xamar ka dhacay oo loogu arrinsanayey sidii beelaha Hawiye ku heli lahaayeen saamiga ugu balaaran ee dowladda sida safiirada Soomaaliya u fadhiya wadamada maanta dunida saameynta ku leh iyo kuwa deriska la ah Soomaaliya.

Isla Markii la doortay Xasan Sheekh waxa uu xilkii ka qaaday Abaanduulihii ciidanka dalka Gen. Abdikariim Dhego badan oo Soomaalidu wada ogtahay guulihii dowladda u horseeday waxaana booskiisa lagu badalay nin Hawiye. Intaas kuma ekaan Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyey in dhamaan seddexda wadan Soomaaliya la deriska ah uu u magacaabo seddex safiir oo Hawiye, shalayna oo taariikhdu aheyd 04/12/2013 BOQORADDA INGIRIISKA WAXAY WARQADDIHII AQOONNSIGA KA GUDDOONTAY SAFIIR CUSUB XASAN SHEEKH SOO MAGACAABAY OO ISNA HAWIYE AH! Taariikhda banii adamka inta la xusuusto weli lama sheegin awood lagu gaaray cadaalad daro oo sii jirta.

Soomaalida waxay tiraahdaa ” HADDII AADAN CABSANEYN WAA LA XISHOODAA”
War nimankan Xamar fadhiya ee HAWIYE ma dhageystaan miyaa midkooda fiyow talooyinka uu maalin walba u jeediyo. waa kan Prof Toogane oo Hawiye la hadlaya

www.markacadey.com/2013/11/warculus-hiiliyay-indhacade

Xasan Sheekh haddii xataa Biimaal uu ka horistaagay in uu u magacaabo safiiro iyo agaasimayaal. Muxuu u hortaagan yahay inay Biimaal gobolkooda wax ka noqdaan.
Sida aad la socotaan dastuurka waxa ku qoran in madaxweynahu yahay taliyaha ciidanka qalabka sida, haddaba maanta yaa gobolka Shabeelada Hoose ciidan ku sheega dowladda madax ka ah guutooyinkooda
Guuto 2-aad waxa madax ka ah Mooryaan Goobaale oo dowladdu u dalacsiisay Jeneral
Guuto 5-aad Qaafow oo isagna laga dhigay korneeyl iyo sidoo kale dhamaan unugyada gobolka ragga wata waxa ay isku heyb yihiin Xasan Culusow iyo C/qaasim.

Nasiib wanaag beesha Biimaal markii ay aragtay cadaaladarada foosha xun ee meesha ka jirtay waxa ay ka tashatay aayaha deegaankooda iyaga oo maalin cad iska soo saaray mooryaan ku labisneyd shaati dowladeed oo Madaxtooyada laga soo abaabulay.

Maanta Gobolka Shabeelada Hoose waxa intiisa badan gaar ahaan deegaanada beesha Biimaal gacanta ku haya ciidamo deegaanka ka soo jeedda oo sugay amniga iyo kala dambeyta dhulkaasi, hase yeeshee dowladda Xamar waxay mushaar bil waliba siisaa ciidamo mooryaan oo saldhig u ah Afgooye kuwaasi oo dhibaato ba’an ku haya dadka deegaanka iyo safareyda. waxayna si cad isaga indha tirtay ciidanka deegaanka.

Halkan ka dhageyso dadka reer Afgooye oo bilaabay kacdoon ka dhan ah Mooryaan dowladeedka;

www.markacadey.com/2013/12/ciidamada-deegaanka-mooryaanta

Dowladda Xasan Sheekh waxay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay sidii gobolka Shabeelada Hoose aanay dadka deegaanka u soo muuqan, Laakiin Xasan Sheekh mid ogow in waqtiga is badalay.qabyaalada Xasan Sheekh intaasi keliya kuma eka waxa uu sidoo kale Axmed madoobe kula heshiiyey in uu awood qeybsiga Jubbooyinka Hawiye qeyb weyn ka siiyo. Akhristow sow ma cadda in Xasan Sheekh cid aan Hawiye aheyn wax u ogoleyn. Bal isku day maanta inaad booqato Villa Somalia min madaxweyne-wardiye-nadaafad-cunto kariye dhamaan waa wada Hawiye haddana waxay doonayaan inay ku darsadaan dhulkii Soomaalida kale degneyd!

Hadaba marka aynu ka hadleyno Gobolka Shabeelada Hoose , C/hi Yusuf Madaxweynihii hore Soomaaliya (AUN) muxuu kaga duwanaa nimankani qabyaaladu madax martay.
C/hi Yusuf waxa uu meesha ka saaray Indhacade, wuxuuna magacaabay gudoomiye ka soo jeedaa gobolka. Sidoo kale Taliyaha ciidamada gobolka wuxuu u magacaabay nin ka soo jeeda isla gobolka arrintaasi oo dadka deegaanka aad u soo dhoweeyeen.

Runta cad ee kala duwanaanshahooda waxay tahay; C/hi Yusuf oo doonayey inay dowladnimo soo noqoto iyo cid waliba deegaankeeda lagu ixtiraamo halka C/qaasim iyo Xasan Sheekh oo aan ehel u aheyn dowladnimo ay qaateen siyaasad ah in dadka lagu dulnoolaado iyo cadaaladaro ah KEYGANA ANIGAA LEH KAAGANA KULA LIHI.

Guntii iyo gabogabadii waxan hambalyo u diraya dadka reer Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanada Magaalada Marka iyo Lambar 50 ee la dagaalamay dadkaasi dhul boobka ah, waxan leeyahay guuleysta marna gorgortan yaan laga gelin taako ka mid ah dhulkiina.
Ugu dambeyn Soomaaliya xalkeeda wuxuu noqon doonaa in cid waliba deegaankeeda ku noqoto.

Ha la muujiyo midnimo yaana la seexan inta cadowga idin muuqdo.

Maxamuud idaa zulzilad

About Idaa zulzilad

Idaa zulzilad

12 comments

  1. Maqaal aad cajiib u ah, waad ku mahadsan tahay Maxamud.

    • waa fariin muhiim ah oo loo baahnaa, balse qoraalka qabyo ayuu yahay xagga deegaanka ama degmooyinka guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose, deegaanada Biimaal waxay kala yhiin: Marka magaalo madaxda gobolka, Degmada Janaale isha dhaqaale ee gobolka iyo Degmada No. 50 oo ah mariinka gobolka marka laga yimaado muqdisho, degmooyinka kalena waa ay degan yihiin, ma qaldame waa alle maadaama aad repod soo gudbisay as juquraafi ahaan inaan error ka imaan ayaa aad muhiim u ah, warbixintaan keyd ayey galeysaa, geesiga qoray waan u hambalyeeynaa.

  2. Ragiina qoraalada soo qoraya danta guud ee umada soomaaliyeed ka hadla ee soomaali waa mid.

  3. soomaali hadey mid tahay madatooyada aad ku arki
    leheed qabiilo kale oo hawiye aheyn

  4. maxamud aad baad uGu riyaaqay qormadaada ku qotanta ka hadalka runta iyo cadaalada balse waxaan la yaabanahay ninka wata abdirisaq oo leh runta haka hadlin, horaa waxaa loo yiri tuug intaadan tuug dhihin ayuu tuug ku dhahaa Somali waxay mid ku noqon kartaa cadaalada iyo in runta la isku sheego idinka ayaa keenay USC abdirisaqow Somali inteeda kale ma keenin ilaa hadana waxa Somali hortaagan waa idinka oo hawiye habargidir hogaminayso ah, maxaad u diideen in federal lagu dhaqmo oo cidwalba dhulkeda iimansato, maxaad u diideen inaad guryaha Somali oo dhan laheyd ka baxdaan ceeb idinkii ayaa dowlad iyo madaxweyne la idinka dhigay hadane guri bililiqo aad ku jirtaan war ma xishootaan miyaa maalin dhoweed waxaan maqlaaye tarsan oo ah nin muqdisho ku amar taagleeyo oo dhahaayo guryaha bur buray ee dadkoda maqan yahay hadii la dhisi waayo waan bililiqaysanaynaa oo micnaheedu ah dhulalka banaan ayaan hada usoo jeesanay maadaama kuwii dhisnaa aan horey u dhacnay oo aan is laheysiinay maadaama 23 sano ka soo wareegtay xiligii aan dhacnay laakiin waxaad ogaateen in guri ama dhulba ninkii lahaa sina ooga maqnaan doonin gooreey noqontaba ninkii lahaa umbaa lahaan doono kismayo waxa ka dhacay oo mareexaan lagu sameye ma maqlin miyaa hawiyoow
    in rag mareexaan ah aay boobeen dhul dad kale lahaa iyo guryo dadkale lahaa kadibna ku dhisteen daaro waaweeyn war inteen joognaa maantey waxaa dhacday in katarabiil la galiyo oo dhulka lala simo sidoo kale waxaa kismayo ka dhacday qiso kaloo cajiib ah oo dhacday xiligii USA-da aay haysatay 1991 in guri daar ah ama ahaan jiray bar weyn oo madaxda ka cunteyso oo xeebta kismayo ku yaal oo uu lahaa qiilmawaayo nin la dhihi jiray isla gurigana lagu macagaabo hotel qiilmawaayo in niman hawiya ah habargidir qabsadeen kadibna ka gadeen isla qolo kale oo hawiya ah lagana siiyo 12Milyan oo lacag Somali ah waa la yaabay waxaas iyo wax ka daran ayaad wali ku taamaysaan Mr. Abdirisaaq sheekadan iyo waxa kaloo aad soo wadaan waa aay dhamaadeen intii horeyna waa la idiinkaga daba tagaa xoolo shaqsi leeyahay cafis ma galaan cidaan shaqsiga aheena kuuma cafin karo ee intaas ha idiinkaga ekaato hadii kale wixii aad geeysateen ka badan aa idiin sugaayo una sheeg madaxweynihiina iyo raga hoosta kaga jiro sida C/qaasin salad booyo oo rabo inuu ilaa kismayo bililiqadii horey ku qabsado

  5. waa idiin salaamay, salaan ka dib muudey malaaq waxa aad ka hadleysid oo dhan waa wax jira, laakiin aayad qur,aan ah ayaa waxay leedahay dhego malaha,hadalna malaha, aragna malaha xaqana uma soo noqdaan,waa aayada 18 ee suutatul baqara,marka kuwaan looma jawaabo sida ninka wata a/risaaq waa kuwa ku riyoonaaya gobolka sh/hoose maah maah ayaa waxay leedahay nin iyo maalkiisa(xoolihiisa)aragti ayaa ka dhexeysa, mid kalena waxay leedahay nimaan shantaada kaa celinin sharci kaama celiyo, kuwakan diinta ay yaqaaniin ama hadalka keliya ee dhegahooda maqli karo waa gumaca rasaasta markaas ayaa la arki karaa qofka hooyadiisa ay sagaal bilood ku dhashay iyo midka kale gobolada maamul goboleedyada sameystay madax salaaxid kuma helin ee waa karbaash ay karbaasheen kuwii u soo canqaltaagi jiray,wiilasha ka soo jeeda gobolada dhexe mar ayay ka amar ku taagleyn jireen koonfurta siday u dhan tahay 10sano ka hor hadana goboladii dhexe ayaa tuulo tuulo loo kala jar jaray oo tuulo walbanma maamul goboleed isku magacawday ee ragow yaa u kala warama beesha biimaal oo keliya ayaa dhuusa ka keentay iayagoo weliba hiil iyo hooba ka helaaya dowlad ku sheega ka dhisan xamar keliya waxaase iiga dardaaran ah nafta hal mar ayae go,eysaa ee sharaf ku dhimo ninka dhoof ku yimid ayay geeridu dhibeysaa,markii nimankii yurub ay damceen inay xoog ku qabsadaan xeebaha soomaalida hawiye kama difaacin ee jaa juus ayuu u ahaa gumeystayaashii taariikhdana way ku qoran tahay ee soo socda waxaad doontid waad heli.

  6. waa mahadsanyahay ninka maqaalkaan sooqoray & sida uu xaqiiqda jirto ugu asteeyay, ujeedadu waxaytahay, biimaalaw deegaankiina yaan laidinkudulaysan oo iska dhacsha mooryaanta shaati qaran loosoogashay misna lagugarabsiinayo, anagu waan ognahay ujeedooyinka guracan & danaha gaarkaa oo ay wataan nimanka xamar madaxda uah.

  7. waan u jeedaa in biyomaal ka dhiidhiyey xumaanta,awaay Galadi, aaway Gare, Tuni,12coofiyadooda maxey uga dhiidhiyi waayeen xumaanta,oo ay u arki waayeen waxa Biyomaal arkey mise duligey qaayibeen. Garnay Raxanweyn oo ayadu waa buun Hawiyhu yeersado markuu qole kale caaradayo
    waxaan hubaa Waafow iyo raga lamidka intii ay joogaan in aan sh/hoose Moorayaan ku ladyen

  8. asc dhamaan waad salamantihiin salaan kadib nninka wata maxamuud walaal aad ayaad u mahadsan tahay sida aad u cabirtay maxishoodayaalka

  9. Waxaan Somaali maxaa u sheegataa aa i qabato walaahi Biyomaal weligiis dhul dad kale ma aadin xaqdarana m a suubiyaan , taas rabi aan ka baryeenaa inuu caruurteena xaaaraan aan ku korin , culumadeena iyo waalidkeena allah yaxfadahum jamiican, Soomaali waa is baratay meel kasta qarax ka dhaco Hawiye aa is qarxiyey ama dad dilaayo ayaga waa ka yaabay waxaan caqliga aan laheen oo soomaali cid la mid ah ma la helaayo. Somaliland waa tahsatay, Puntland waa tashteen dadkaas waa ka quusteen, Soomaali waxii la dhihi jiray waa dhimatay, Biyomaal maxaa u tashan weeynay, waxaan cawaamta Xamar qabsatay hadana dhulkeena ayeey rabaan, zaman zun aa lagu jiraa Nin reer Xamar waashay waxaas dhahay dagaalada dhexdood 1995 xamar kuwaaneey hawiye dhib badan qaadicu dariiq waa ka gudbeen wax kasta oo nool iyo aan nooleeyn aa fuuqsanaayaan rabi hanaga qabto imtixaan naloo soo diri ahaa kkkkkkkkkkkk

  10. aniga waxaba ila gudbon nimankan habargidir in school loo furo lana baro hab dhaqanka faderalismka wax kale ma ahan ee waa xabad in dib logu celiyo cadaado iyo dhusamareb guurguurte waxan kuleyahay kaa diidnay waxad ku riyotay bimal wu idin midobay taliyaniga waxba ma dhaantaan meel baa la idin saari …… Walal maxamud adna wad ku mahadsan tahay qornadada

  11. Mahamuud
    Qormadani waa mid Ku qotonta xaqiiqda nimankaan hawiye markey madaxweyne qabtaan kuma fakaraan sidee somaliya xal loogu helaaye waxay kafikiraan yaad dhul kadhacdaan

live webcam girls
Scroll To Top