Home / Maqaallo / Dawladnimooy Maxaad Tahay:Qalinkii Nur Bahal

Dawladnimooy Maxaad Tahay:Qalinkii Nur Bahal

Labaatan Sannadood in ka badan ayey ummadda Soomaaliyeed ku jireen dhibaatooyin dagaal, dhac, boob, dulmi iyo duudsi. In kastoo qarankii Soomaaliyeed ee dumay aanu ahayn mid caan ku ahaa cadaalad iyo xaq-soor bulsho, haddana waa loo darsaday; waa la tebey dawladnimadii duntay, waa la dareemay dhibaatada ay leeyihihiin dagaal joogto ah iyo shisheeyihii ad shalay ka awood roonayd oo maanta ku bahdilaya, ku maamulaya, kuguna sandullaynayaa inad yeesho sidii dawladnimadaadu ku burburi lahayd.

Sida garaadka fayoobi tilmaamayo, dadku waa inu wax ka bartaa rafaadka soo mara. Ummad waliba waxay dersi ka qaadata aafooyinka noloshooda saameeya ee raadka xun ku reeba iyagoo u fiirsanaya siday ku yimaaddeen, boogaha ay ka tegeen iyo sida loo baajin karo in marka kale lagu gubto ololka iyo uumiga aafooyinkaasi wadaan.

Waxa marag-ma-doon ah inaan dadka Soomaaliyeed waxba ka baran dhibaatooyinka mugga iyo miisaanka leh ee is-daba-joogga ugu habsanayay saddex iyo labaatankii sannadood ee u dambeeyay.

Uur-ku-taallada Soomaalida ee burburka keentay, marka laga reebo aqoon darrada guud ee ummaddu ka qabto dawladnimada, waxay salka ku haysaa qablaayad ay ka maqan tahay dan guud oo si mutuxan ugu xaglinaysaa dan reer oo kaliya. Waxay qolo waliba raadinaysaa dawladnimo Soomaaliyeed oo reerkoodu hoggaanka u hayo. Isla arrintaas ayaana qayb wayn ka ahayd dumitaankii qaranka Soomaaliyeed.

Aqoon la’aanta ummadda Soomaaliyeed iyo aragtida qalloocda ee ay ka haystaan dawladnimadu waxay gayaysiiyeen in la waayo ummadnimadii Soomaalida. Bal an marka eegno waxa ay dawladi tahay, waxay u qabato ummaddeeda, sida dadwaynuhu u arkaan dawladda iyo sida ay dawladdu u aragto dadwaynaheeda.

Dawlad waxa samaysta dad ay wax ka dhexeeyaan oo raba waxaas ka dhexeeya inay si siman u wadaagaan. Waxyaabaha bulshooyinkaas ka dhaxayn kara waxa ka mid ah ilaalinta nabadda iyo xadgudubyada dhexdooda ah iyo halis ama xadgudubyo kaga yimaadda dibadda. Waxa kale oo ka mid ah iskaashi guud oo ay ka yeeshaan horumarka guud ee ummadda, caafimaadka iwn.

Ereyga “dawlad” wuxu ka soo jeeda afka carabiga. Af Soomaaliga kuma jiro eray u dhigma. Taasi waxa u sabab ah iyado qabiillada Soomaalidu aanay waxba wada lahaan jirin oo aanay markaas imanin baahi keenta in la sameeyo dallad magac leh oo isku keenta rabitaanka nololeed ee qabiilada. Afka Soomaligase waxa ku jira erayga “Maamul” oo ka mid ah adeegyada ay dawladdu u samayso dadkeeda.

Haddaan si guud u qeexno shaqada dawladda waxan odhan karnaa: dawladdi waxay meelmarisa ama fulisaa wixii aanay ummaddu qof ahaan, qoys ahaaan ama qolo ahaanba u fushan karin iyadoo midaynaysa cududda dadwaynaha. Fulinta hawlahana waxay ku meelmarisaa cashuur ay dadwaynaha ka qaaddo oo u taagan dheriga dawladnimo in qofkasta oo karayaaba wax ku ritay.

Inta cilmiga dawladnimada barataa waxay isku raacsan yihiin inay shaqada dawladdu ka koobantahay ugu yaraan lix qodob oo muhim u ah jiritaankeeda iyo ka ummaddeedaba:

1.Waxay hubisaa amaanka guud ee dadwaynaha kana badbaadisaa cadaw dibadda kaga yimaadda iyo nabadgalyada gudaha iyadoo hubinaysa inaan qofna qof kale ku xadgudbin;

2.Waxay samaysa sharciyo dadwaynuhu ku dhaqmaan, oo loo siman yahay, lagu kala dambeeyo laguna nagaado si qofka naftiisa, hantidiisa iyo xaqiisaba loo ilaaliyo;

3.Waxay gacan-saar la yeelata, oo magaca ummaddeeda kula xidhiidha, dawladaha kale ee adduunka;

4.Waxay dejisaa oo ay hirgalisaa sharciyo fududeeya in sinnaan lagu wadaago loogana faa’iidaysto khayraadka dhulka ay ummaddu leedahay;

5.Waxay dadwaynaha u fidisa adeegyo waxtar leh oo ay ka mid yihiin, waxbarashada, fayo-dhawrka guud iyo caafimaadka bulshada, hawlaha guud sida dhismaha jidadka iyo guriyaynta bulshada, ka soo kabashada aafooyinka dabiiciga ah iwm;

6.Waxay dejisaa xeerka ganacsiga ee lagu hubinayo inan shirkadaha ganacsigu ku xadgudbin jeebka bulshada iyo hubinta tayada.

Haddaad daymada ku celiso lixdan qodob ee ka midka ah shaqada dawladdu dadkeeda u qabato, waxay dhammaantood ka kooban yihiin qodobbo aanay bulshada qayb-qayb iyo qolo-qolo aanay u qabsan karin. Dhammaantood waa arrimo dhaafsan karitaanka dad kooban, qolo gaar ah iyo qayb bulshada ka mida. Difaaca guud oo kale wuxu u baahan yahay cududda dadwaynaha oo midaysan in lagaga hortago cid kasta oo halis ku ah danta iyo bulshooyinkaas wadaagaan oo dhan. Sidaas si la mid ah ayaa nabadgalyada gudaha qudheedu u baahan tahay cid heegan u ah in sugto una dhaxayso dadka oo dhan. Dhexdhexaadnimadu waa lagama maarmaan haddii la waayana waxa dumaya

Haddii loo kuurgalo qodobadan sare, waxa laga bildhaansanayaa in dawladnimadu isku keento bulsho ama bulshooyin iyadoo midaynaysa cududdooda, wax-qabsigooda iyo wadaagga adeegyada. Marka bulsho ay wax wadaagto waxa lama-huraan ah in la helo maamul sugan oo karti iyo aqoon u leh sidii bulshooyinkaas wax loo wadaajin lahaa. Dulucda wadaaggu ma ahaa oo kaliya in adeggaa dawladda loo sinnaado. Waxa kale oo sinnaanta ka mid ah in si isku mida ah loo wadaago maamulka, ayaa-ka-talinta ummadda iyo in la tix galiyo himilada horumar ee ay ummaddu leedahay. Haddii taasi hirgasho, waxa ka dhalata ummad isku duuban, isku dan ah, meel u wada socota oo si u wada aragta wixii qaranimadeeda duminaya iyo wixii dhisayaba.

Aragtida midaysan ee ummaaddu waa saldhigga jiritaanka Qaranimada. Qaran walba dadkiisa waxa ka dhexeeya mareego isku xidha oo ay ka mid yihiin wada dhalasho, diin, af, dhaqan iyo taariikh isku mid ah. Si qaranku u xoogaysto una helo tiirar adag oo u ku istaago, waxa cid walba ku waajib noqonaysa in la xoojiyo, mudnaan gaar ahna la siiyo – wax kasta oo kalena laga kormariyo – qaddarinta dadwaynaha ay u hayaan mareegaha bulshadooda isku xidha. Taas hore marka la helo, waxa imanaysa in ummaddu yeelatu ujeeddo midaysan iyo tub la isku raacsan yahay oo loo maro waaritaanka qaranaka. Dawladdu door wayn bay ka qaadataa kobcinta iyo kaalin-gelinta mareegaha bulshada.

Haddii and barbar dhigno qeexitaankaas kore dawladda maanta Soomaaliya ka jirta waxay inoo soo baxaya kala duwanaasho wayni inay jirto. Kala duwanaashadaas wuxu salka ku hayaa damac gaar ah oo ay la yimaadeen shaqsiyo hoggaanka u qabtay dawladda maanta. Hoogaankaasi wuxu u garbo duuban yahay maleeshiyo beeleed doonaysa inay fuliso himilo gaar ah oo ay iyagu leeyihiin. Himiladaasina waxay salka ku haysaa dhul ballaadhsi, dhul boob iyo in xubin qabiilada Soomaaliyeed ka mid ahi hesho degaan cusub, degaankaas oo ka manfac badan kana khayraad badan kii hore ee ay ku noolaayeen oo ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Af duubka ay meelshiyadaasi ku haysato dawladda Soomaaliyeed iyo duullaanka qaawan ee ay ku hayaan gobolka Shabeelada Hoose waxa ka dhalan karta in ay burburto nabadii la raadinayay muddada badan ee adduunkuna taageerada ka gaystay. Muddo ka badan labaatan sano ayay dadyoga gobolka Shabeelada Hoose u adkaysanyeen cadaadis, dil, boob iyo dhac kaga yimid ciidan-beeled. Kacdoonka ay bilaabeenna wuxu saldhig u yahay oo uu qof walba tusayaa inay dawladdu ka gaabisay xilkii nabadaynta ee ay u ballan qaadday ummadda Soomaaliyeed.

Tiraabta dusha an ku xusay ee ah xilka dawladda ka saaran ummadeeda haddii la dhinac maro, oo laga door bido in ummadda la soo kala dhawaysto, waxa imanaysa inay ummadduna tuurayso dulqaadkii. Taasina waxay soo dedejinaysaa culays dagaal oo hor leh oo ka bilawda dalka.

Qalinkii:Nur Bahal

Toronto, Canada.

 

 

info@markacadey.com

About Editor

Editor

2 comments

  1. aad baad umahad santahay aqoon yahan nuur baahal sida aad inoogu sharaxday wax ay dowlad nimadu tahay

  2. ujeeddo ; BAAQ

    ku socda maamulka magaalada Marka cadeey gaar ahaan duqa magaalada iyo taliyaha nabadsugida iyo taliyaha ciidanka Booliska magaalada marka .

    Aniga oo ku hadllaya magaca qurbbajoota sh.hoose ee ku nool uk waxaan ka codsaneynaa madaxda sharafta leh ee kor ku xusan in hayadda (COSOV ) ee xaaranta ku haysata ISKUULADII magaallada oo ah hatida doowladda in lagu soo celiyo gacanta dowlada sidii isbitaalka markaba loogu soo celliyey, waayoo in iskuuladii marka ay Maxamed daahir oo ognahay ni uu maalgaliyo mooryaanta ka timid goballada dhexe isla markaana ladagaalamaya waxbarashada caruurteena in ay u xidhnaadan waa arin aad uxun waa in iskuulada iyo dhamaan dhismayaasha kale ee dowladii dhexe ee soomsliya ka tagtey waa in laga saaraa hayadan kosovo maamulka gobalka iyo umada sh.hoose ka faa’iidaystaan ma aha in kuwa gobalka ku soo duulay ay u xidhnaadaan waa xaaraan waxaana maamulka ka rajeyneynaa in ay arintaa wax ka qabtaan dibna ugu soo celiyaan caruurta sh. hoose
    wa Billaahi towfiiq .
    by Ahmed Ceeljaalle

live webcam girls
Scroll To Top