Home / Maqaallo / 21-KII NOVEMBER 1876-DII WAXAY KU BEEGAN TAHAY MARKII GUMEYSIGII TALYAANIGA XEEBTA MAGAAALADA MARKA CADEEY LAGU JABIYEY.

21-KII NOVEMBER 1876-DII WAXAY KU BEEGAN TAHAY MARKII GUMEYSIGII TALYAANIGA XEEBTA MAGAAALADA MARKA CADEEY LAGU JABIYEY.

21-kii November 1876-dii, maanta oo kale waxa ay ku taagan tahay markii la jabiyey ciidamo aad u faro badnaa oo ka tirsanaa gumeysigii Talyaaniga oo ka soo degay xeebta magaalada Marka Cadeey.
Dagaalyahano ka tirsan beesha Biimaal oo ay horkacayeen labaddii hogaamiye ee xiligaasi ugu caansanaa oo kala ahaa Allah u naxariistee Macalim Kabtooli iyo Sh Cabdi Abiikar Gaafle ayaa difaacyo adag waxa ay ka sameysteen xeebaha magaalada Marka si ay ugu hortagaan gumeysigii Talyaaniga oo doonayey inay cagta soo dhigaan dhulkii ay ka talineysay Saldanadii Beesha Biimaal. Gumeysigii Talyaaniga oo adeegsanayey xeeladihii military ee xiligaasi ugu casrisanaa waxa ay weerarkooda magaalada Marka ku soo qaadeen kaga yimaadeen laba aag.

Dhinaca xeebta oo maraakiibta dagaalka madaafiic ku soo garaacayey magaalada ka dibna ciidamo boqolaal ku soo daadiyey xeebta iyo dhinaca beriga oo ay ka soo galeen dhinaca magaalada Muqdisho. Shir deg deg ah duhurnimadii 21- November 1902 waxa isugu yimid deegaanka Hareerley (Hareerley waxay aheyd xaruntii ugu weyneed ee taliska ciidmada Biimaal) hogaamiyaashii beesha Biimaal waxa ayna isla qaateen dagaal loogu hortago gumeysiga dhulkooda soo galay. isla maalintaas waxa ciidamo loo kala diray xeebaha magaalada Marka iyo deegaanka Lafoole si loo hor istaago ciidamadii gumeysiga. waxaana halkaani si buuxda ugu bilowday dagaalkii mudda dheer socday ee loo yaqiinay “THE BIIMAAL REVOLT”

Buugaag taariikhda dagaaladaasi ka hadlaya ayaa laga qoray oo maanta laga heli karo Libraryada dunida. Waxa xusid mudan sida wararku aan ku heleyno in maanta magaalada Marka shir ay isugu yimaadeen Golaha Guurtida Beesha Biimaal ay kaga hadlayeen xuskani, iyaga oo ka codsaday maamulka magaalada Marka Cadeey in waxii maanta ka bilowda 21 November loo aqoonsado maalin Qaran oo lagu xusayo halyeeyadii dalka u soo dhintay. Iyaga oo Guurtida Biimaal isku raacay si gaar ah deegnada beesha Biimaal laga xuso maalinkan taariikhiga ah. waxa ayna isku raaceen in Schoolada deegaanka gaar ahaan magaalada Marka la fasaxo sanadkasta 21 November si jiilka cusub loo baro taariikhda ay leeyihiin.
Halkan hoose ka daawo siyaasi Dr Saadaq Eenow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka, PHd-na ka sameeyey history-ga isaga oo ka hadlaya dagaalkii Biimaal iyo Talyaaniga:

Dagaalkaas intii uu socday taariikhihii ugu caansanaa waxa ka mid ah

Reer jannow waa jidgaleen === People of heaven, have found their way.
Reer jaxiimow iska jooga ==== people of hell, stay where you are.

Sep. 1904 Waxa Cigale iyo agagaarka Markaba qabsaday Talyaaniga; wuxuuna Cigale ka dhistay Sariibad. Ka dib marki Cigale Talyaaniga qabsaday hogaamiyaashii Biimaal waxa ay isugu tageen magaalada Mooyaale (Galbeedka Laantabuuro) si ay xaalada cusub ee soo korortay ugu wada tashan lahaayeen.
Intii aan Cigale laga qabsan, Biimaal waxa ay mar walba ku kalsoonaayeen awoodooda ciidan iyo dhaqaaleba; hase ahaatee dagaalkaas wuxuu tusay hubka ee Talyaanigu isticmaalayey in aanay u babac dhigi karin, ilaa ay helaan hub u dhigma. Sidaas darteed shirkii Mooyaale hogaamiyaashii Biimaal waxa ay ku go’aamiyeen in ay 500 oo nin oo isugu jiray dagaalyahano iyo culimo u diraan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, si ay ugu so helaan kaalmo hub iyo ciidan. Arrinta kaalmo weydiisiga ma aheyn mid sahal ku ah nimankii Biimaal oo hankooda iyo awoodooduba aad u sareysay. Raggii ciidamadaas (Sayidka aaday) hogaaminayey waxa ka mid ahaa Malaaq Cabdi Juray, Sheikh Jamaal Macallin Xasan, Maxamed Mursal iyo Bilow Ageede. Waxaan la sheegay in ciidankaas Sayidku soo siiyey 300 oo qori. waxa sidoo kale la sheegay in Daraawiishta Banaadir (Koonfurta) gaar ahaan Biimaal ay Sayidka iyo Daraawiishta u geyn jireen hadiyaddo ay ka mid ahaayeen dharka, Alindiga ah oo waayadii dambe loo yiqiin Banaadiri iyo alaabooyin kale.

1904 Biimaal iyo Talyaaniga ayaa dagaal dhex maray, dagaalkaas oo Biimaal kaga soo horjeeday in Talyaanigu u gudbo dhulka xeebaha ka baxsan ( Shabeelaha Hoose) ee Biimaalku ka talin jiray. Talyaanigu wuxuu ku andacoonayey, inaanu dhulka Biimaal xukumo dan ka laheyn, ee uu u gudbayo
meelaha deegaank ka baxsan. Dagaalka Talyaaniga iyo Biimaal wuxuu socday muddo aad u dheer Saldanadii Biimaal waxa ay aheyd midda ugu magaca dheer dhulkii loo yiqiin ” Italian Somaliland”.
Halkan ka dhageyso/Daawo Sheekh Nuur Geelle oo ah Caalim dhulka Soomaalida gaar ahaan Koonfurta Somalia aad loogu yaqaano oo ka hadlaya dagaaladaasi

Dagaaladaasi u dhexeeyey Biimaal oo socday mudo dhowr iyo toban sano waxa lagu dilay saraakiil badan Talyaani ah sidoo kale waxa jirtay dagaaladaasi oo aad u adkaa Biimaal kaga dhinteen dad badan iyada oo laga xusi karo dagaalkii Dhanaane.

Feb. 1907 Labo kun (2,000) oo dagaalyahano Biimaal ah ayaa ciidamo Talyaani oo joogay meel la yiraahdo Turunley oo hadda loo yaqaano (Dhanaane) oo waqooyi ka xigta Marka dagaal ku qaaday. Dagaalkaas waxa ay Biimaalku aad ugu hoobtay oo ilaa 200 oo nin kaga dhimatay. Raggaas dhintay waxa ka mid ahaa toban (10) wiil oo walaalo ah. Dagaalladii hore ee Talyaaniga iyo Biimal dhex mari jiray, badanaaba waxa ay ahaan jireen aarsi ku saabsan falal gumeystuhu Somalida kula kacay, laakiin dagaalki Dhanaane waxa la sheegay in uu keenay naceyb guud oo Talyaaniga iyo joogitaankoodu dhulka Somalida laga qabay. Waxa ayna aheyd markii ugu horeysay ee Biimaal hub isticmaalay, taas oo Talyaaniga mucjiso ku noqotay; maadaama aanu Somalidu wax hub ah gacantoodu ku jiray ogeyn. Isla waqtigaas ilaa 2,100 oo ciidamo Talyaaniga ah ayaa ku sugnaa xeebaha Banaadir.
Dagaalkii Dhanaane ka dib waxa la sheegay in xirriirkii Biimaal iyo kii S MC Xasan aad u sii fiicnaaday. waxa kale oo la sheegay in ugu yaraan 10-15 dagaal yahan ka tageen deegaanka Banaadir oo ay tageen ( u dhoofeen) xarumihii Darawiishta S M C Xasan, si ay kaalmo hub ugu soo helaan. Raggaas waxa ka mid ahaa, ninkii tobanka wiil loogu dilay dagaalkii Turunley.iyo Abokar Ashir (Saacmawaayo) oo ahaa wiilkii uu dhalay Sheikh Ashir Maadow, oo ahaa hogaamiyihii magaalada Mareerey( Galbeedka Afgooye)
Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah taariikhyahan ahna qoraa caan ah mar sanadkii 2000-dii BBC Laanta Af Soomaaliga ugu waramayey taariikhda dagaalkani halkan ka daawo/dhageyso

Dhamaan dadka Soomaaliyeed waxan u rajeynayaa SANAD GUURO WACAN
Taariikh waliba astaanteeda waxan Ilaahey ugu baryeynaa halgamayaashaasi inay Ilaahey geeyo janadiisa sare. Amiin
Mohamud Idaa Zulzilad

About Idaa zulzilad

Idaa zulzilad

6 comments

  1. yac dad waa dadkii hore hadalna waa waxay dhaheen ma istiri talado dad bay ka go,i jirtay, looga dambeeyay, hagida dagaalka dadba looga dambeyn jiray,

  2. tana wa in taarikhda lagudara hadi alle idmo.

    axuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay 1988 Soomaaliland,
    Md Mursal Mohamud Oo Ku Tilmaamay Dagaalki Dhacay N0.50 Waxuu La Mid Yahay Kii Ka Dhacay 1988 Soomaaliland,
    19 November, 2013 11:11:00 cammaara
    Font size: Decrease font Enlarge font
    image

    Md Mursal marka ugu horeeyso ugu tacsiyeeyay dadkii Shacabka ahaa ee dhibka ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay No.50 Anigoo Aad iyo Aad ugu xun waayo waa ayan darro in dowlad cusub oo la sugaayey muddo labaztan sanno in ay shacakeedii in ay hannato hadana si fooxumo ah ugu fogaato waa wax laga xumaado mana aha mid aan ku farxidoona oo aan daawan doono .

    Sidoo kale Mursal oo ku macneeyay dagaalkii dhacay no.50 in uu leeyahay dhoowr weji oo kala duwan bal aan ku soo koobo 3 Qeybood .

    Qeybta 1

    Md Mursal oo yiri mida ugu horeeyso waxaa jira in dowlada somaliya loona sheegay in ay dhawaan imaan doonan ciidamo ka kala soo jeedo dowladaha galbeedka ayagoo ku imaan doono magaca U,N sanadka nagu soo food leh 2014 horaantiisa qorshahaas waa socda dowlada soomaaliya iyo masuuliyeenta way wadda og yahiin ,

    Hadaba maxaa keenay dagaalka lagu soo qaado G/sh/hoose Md Mursal waxuu ku macneeyay waa wax iska caan ah oo qof walba fahmo karro mar hadeey soo gaaran dalka soomaaliya ciidamo dowladaha galbeedka oo ay isku balaariyan koonfurta soomaaliya waxaa imaan doona in aanan leysku gudbi karin wax walba oo dhaqaaq ah oo ku saleeysan ciidamada dowlada la ogaan doona iwm ah. marka inta taa dhaci waxaa ay is tuseen kuwa loogu magacdaray mooyraan dowladeed in ay ku siisiqaan deeganka gobolka/sh/hoose ama ku sii dhowaadan si ay gacanta ugu gasho gobolka hadhoowna ayaga wax laga waydiiiyo.

    Maxey iskaga mid yahiin dagaalkii No/50 iyo kii soomaaliland 1988 ?
    Qeybta 2

    Md Mursal Ayaa marka ugu horeeysaba ku tilmaamay waa xanuun in aan taariikhdaa madoow ay soo mareen shacabka reer soomaaliland in aan dib xusuusiyo maanta ama nafteeydaba soo xasuusato inta ka dib waxaan dhamaanteen wadda og nahay in dowladii kacaanka ahed in ay shacabka reer soomaaliland kula dagaashay hubkii qaranka iyo ciidaankii qaranka soomaaliyeed si kastaba ha adeegsato waxey doontana ha u sheegto ciidanka waaga jiray ee uu qaranka lahaa waxaa taa weliba dheer in diyaaradaha dagaalka ay qeyb weyn ka qaateen iyo hubka culculus ee uu kamid yahay hoobiyaha iwm ah waxaa taa dheer in ay dagaalka hoogaaminayeen jeneralo caan ah oo ila hada qaar kamid ah ay nool yahiin nasiib darro dowladii kacaanka ahed waxba kamaaysan dheefin wataa ayadiiba burburtay oo welba afka ciiida la gashay waana taariikh xanuun badan oo mustaqbalka dhow wax leyska waydiin doona ,

    Hadaba Dagaalkii daraato ka dhacay gobolka sh /hoose No.50 maxey iskaga mid yahiin kii ka dhacay 1988 soomaaliland ? waxaan wada og nahay in ciidaanka xoogga dalka koonfurta soomaaliya iyo dhoowr jenaral ku sheeg ah oo ay ka mid yahiiin yuusuf indhacade iyo goobaale iyo kuwa kale oo farra badan ay wareeran ku qaadeen G/sh/hoose iyo shacabkii maskiinta aha isla markaana lagu dilay hubkii qaranka iyo ciidankii qaranka isla markaana madaxweyna xasan sh maxamud uusan ka hadlin taa waxey ka dhigan tahay xasusuintii Taariikhdii madoowed ee dowladii kacaanka kula kacday walaalaha soomaaliland. waxaa aad iyo aad illahay ugu mahad celiyaan dowlada soomaaliya oo xasan sh mahamud k amadax yahay in aysan qabin maanta ciidamo cirka iyo diyaaradaha dagaalka waayo waxaa suura gal ah in shacabka gobolka .sh.hoose lagu dhameeyn laha isla markana ay u gudbi lahayeen jubooyinka iwm ah.

    Qeybta 3

    Ugu Dabeenti shacabka gobolka sh hoose waxan mahad diiran iyo sharaf aan la koobi karin hawada idin soo maraniya sida aad iskaga difaacdeen mooryaanta waa guul weyn waana mid ay dadka oo dhan ku farxeen guusha maaha habeen keliya iyo maalmo qudha ee adkeysta oo dhulkiina iyo maalkiina cidna ha u daba fadhisan waana mid xaq ah diinta ayaana sheegyso sidoo kale dagaalka ka socda gobolka sh.hoose waa mid looga hortagayo maamuul u sameeynta 6/Gobol taana ogaada macnaheedu maaha in dagaalku ku koobnaado hal qabiil iwm ah waa howl u taalo dadka waddo deggo deegaanka oo dhan sidoo kale anigo ah a Md Mursal Mohamud waxaa tageer sanahay in walaalaha gobolka sh hoose oo dhan midoowaan unna midoowaan waraabaha dhoowrka weji leh ee gacan adagna iskaga qabta yeeysan noqan walaalayal guul berito si faduud leydinka qaadan karro ha noqato mid waarto insha allaah guusha waa dhankiina ee adkeysta maalmo ayaa idiin dhiman

  3. wiil surre galhagoog

    Ninkee baan qonofka iyo qaansa meeris garanoo … saxibadii qudh iyo xoog ka qaadan karinoo loogu quus dhabayaa!!!
    Biimaal halyey somaliyeey oo taariikh mudan leh!!!
    maanta biimaal waa hogaanga beelaha theyr bin abdalla ( dir ) waana la dhimaneynaa waana madaxwenaha mustaqbalka somalya.
    WRITE THAT DOWN TRUST ME

  4. Walaalayaal taarikhda waa la qariyey waxaana ka ogaan kartaa markaad Wikipedia ka akhriso tarikhda somaliya waqtiga 1885 – 1935 lagama qorin THE BIIMAAL REVOLT wax yar xitaa dagaalkaas ay mujaahidiintaas somaliyeed ee biimaal ku waayeen naf iyo maal ayagoo sharaftooda iyo gobonimadooda ilaalinaya. Waxaa ka tirey taariikhda wikipedia waa kuwii daba dhilifka iyo askarta u ahaa talyaaniga ee somalinimada nala sheegta oo heshiis hoose la galey talyaaniga oo ah in biimaal dib danbe usoo joogsan oo xitaa waagii leegada laga horjoogsadey iney xitaa dhulkooda iska soo sharaxaan. Waanu saxeynaa waqtigii taalooyinka loo dhisi lahaa ayaa la joogaa insha allaah. Waa in arkntaan dhamaan aqoon yahanada direed ay meel saaraan sida ugu dhaqdiyaha badan.

    Sidoo kale waa in schoolada laga dhigaa taariikhdii IFAT/ADAL SULDANATE iyo AXMED IBRAHIM GUREY ama ALGAZHI oo macnaheedu yahay conqueror ama dhul qabsade sida ku xusan buuga FUTUHUL HABASH ee uu qoray qoraagii Shihaab ibnu din ee yamaniga ahaa oo qoraa u ahaa iman axmed gurey mudo 20 sano oo u jihaad kula jirey xabashada. qabiilada ku qoran dhamaan waa reer theyr bin abdalla oo ah magaca loo yiqiin qabiilka DIR waxaa ka mid ahaa qabiilada la xusey Issa, Gurgure, habar magaadle, imam samaroon siciid, gariire, akishe, gurre, quraanyow maxamed, magaadle iyo harti darod oo ka yimi meyd iyo dhul fog oo ah 1200 nin iyo mareexaan oo isna ka yimi dhul dheer oo 1000 nin ahaa ayagoo usoo gurmadey si islaanimo ah. Marexanku kama qeyb gelin jihaadka waxaa la amrey in ay dib ugu noqdaan meeshay ka yimaadeen ka dib markii ay dileen nin gariire ah oo ciidanka ku badnaa ay diideen gar kale oo aan aheyn in loo cesho meeshay kayimaadeen. General Mukhtar ibnu jabhad waa ku xigeenkii axmed gurey qabayna gabadhiisa fardus wuxuuna ahaa gurgure. Xaruntooda waxey aheyd saylac, diri dhabe iyo harar. Dadkii waagaas degenaa ayaa ilaa hadeer degan dhulkaas.
    Plz akhriya taariikhdaas axmed gurey in uu u dhashey theyr bin abdalla waa ku taal balse jufadiisa wuxuu u qaatey qoraaga in la wada yaqaan.
    Ka aqri buuga futuhul habasha ama the conquest of abbysinia. Ismacil cumar gelle ayaa afsomali ku tarjumey 2002 dii, dawladii kacaanka waa ay diidey 1974 in la tarjumo buugaas oo ku qornaa sadex luuqad oo kala ah arabi, english iyo french.kacaanku wuxuusan jeclaysan marexanka oo dib loo ceshay iyo ninkii hogaaminayey oo magaciisu ka soo jeedo cato eritrea iyo tigre waana goyte oo macnaheedu yahay lord ama ward lord.

    Taariikhda lama bedeli karo waligeed.

  5. Goormuu Biyamaal la dagaalamay Talyaaniga mise magaca beenta ee sameeyeen Daaroodka run ka dhigteeen war Biyamaal marka waxaa dejiyay Odaygii Gendershe oo markii dambe gabar ka guursaday waana qarnigii 14 aad kadibna gabartii odaygii biyamaal dhalay Daguuro lagu daray Hilibi Maxamed waana waqtigii dagaalkii ajuuraanka dhamaaday. taariiqda ninkan Majeerteen BBC ka hadlaya wax badan ayuu inkiray aaway Ciidankii Galedi, jiido, Gare, Wacdaanka, Moobleenka, SIliciska Daame dudumiye Taariiqda yaa laga been sheegin

  6. NINA XASAN YARE ISKU MAGACAABY, TAARIIQDA HADAAN WAX KA AQONIN EE WEYDII DADKA KAAGA MUDAN EE NAC NACA DAA, BIMAAL IYO DIGIL WAY IS DAGAALAAN LAAKIN CINWAANKA TAARIIQDAAN WALAALKEYNA SOO GUDBIYEY EEG EE HUBSO

live webcam girls
Scroll To Top