Home / Maqaallo / MUXUU SALKA KU HAYAA DAGAALKA NUMBER50 (WARBIXIN KOOBAN)

MUXUU SALKA KU HAYAA DAGAALKA NUMBER50 (WARBIXIN KOOBAN)

DOWLAD MISE DALAD HAWIYE?

Sida aad la socotaan dagaalkii labadii maalmood ugu dambeeyey ka socda degmada Number 50 iyo agagaarkeeda ma aheyn dagaal
maalmo ka hor bilowday. Haddaba akhristayaasha shabakadda Markacadey.com ee aan sida hoose ula socon ayaan doonayaa inaan
u iftiimiyo sida dagaaladan soo noqnoqday ku bilowdeen waxa ay salka ku hayaan.

Beesha Habargedir oo lagu yaqaano inay dadka ku qaldaan hadba shaatiga Soomaaliya ka socda xirtaan ayaa horaantii sanadkani waxa ay
weerar abaabulan ku soo qaadeen magaala madaxda gobolka Shabeelada Hoose ee Marka iyagoo ku labisan dress-ka ciidamada
dowladda. Weerarkaasi oo dhacay bishii March ee sanadkani wuxuu salka ku hayey inay ka hortagaan ciidamo madani oo amniga iyo
kala dambeynta ku soo celiyey magaaladaasi, ciidamadaas oo booqashadii Raiisul wasaare Saacid ku tegay magaalada Marka
uu ku qarameeyey ka dib markii uu ku qancay sida wanaagsan ee ay kala dambeynta iyo amniga u soo celiyeen.

Dastuurka Soomaaliya waxaan maanta ceeb ku aheyn inay dowladdu ku dhisan tahay qaab beelleed awoodana lagu qeybsado
dabcan maanta suurto gal maaha in shaqsi Marka ka soo jeedda uu Beledweyne madax ka noqdo ama laga soo doorto, sidaasi
si la mid ah ninka reer Beledweyne isna madax kama noqon karo magaalada Kismaayo ama Baydhabo.

Umadd waliba Illaahey meel ayuu ku beeray sidaa darteeda waxa wanaagsan qabiil kasta Soomaaliya deegaankiisa ku ekaado
si ciziga iyo sharafta dalka Soomaaliya u soo noqoto. Maanta waxa cad qabiilka keliya Soomaaliya ee aan ku qanacsaneyn dhulkooda
inay ciddaan Habargidir tahay. Sannooyin badan ka hor waxay iska dhaadhiciyeen inay iyagu leeyihiin magaalooyinka Beledweyn,
Baydhabo, Kismaayo iyo Marka ka dib markii ay u suurto gashay inay ku duulaan oo qabsadaan ka dibna sheegtaan inay iyagu leeyihiin
dhamaan magaalooyinkii ay qabsadeen maalin cad ayaa laga soo saaray jab weyna ka soo gaaray dagaaladaas xaqdarada ah.

Bishii March ee sanadkan ayey dadweynaha reer Marka ku soo baraarugeen daryanka madaafiicda lagu garaacayey guryahoodii, weerarkaasi gardarada ee beel ka soo duushay gobollada dhexe ku soo qaaday magaalada Marka oo ah xudunta beesha Biimaal waxa qaadan waayeen ciidamadii amniga deegaanka ee Raiisul Saacid qarameeyey. dagaaladaas oo socday 3 maalmood oo xirriir ah waxa u suurto gashay xoogaga beesha Biimaal oo garab ka helaya shacabkooda magaalada Marka inay magaalada ka saaraan mooryaantii gobollada dhexe ka soo duushay ee beesha Habargidir. dagaalkaas waxa lagu dilay ninkii hogaaminayey mooryaantaas, oo dowladda Xasan Culusow u soo magacawday taliyaha guutada labaad gobolka waxa sidoo kale meesha lagu gubay dhowr gaadiidka dagaalka.

Dagaaladaasi ka dib magaalada Marka waxa ka bilowday horumar xaga amniga iyo ganacsiga, guddoomiyaha ahna duqa magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo garab ka helaya dadka deegaanka nabadgelyadaasi uu ku soo dabaalay magaalada waxa indhihiisa soo jiiteen Madaxweyne Xasan Culusow oo booqasho ku tegay Marka bilowgii bishii September. Nasiib daro madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay ka hor istaageen magaalada Marka deeqaha caalamiga ee dowladdu hesho qaasatan hayadaha Turkiga iyo UN oo loo sheegay nabadgelyada magaalada wanaagsaneyn halka magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn dowladdu si isdaba joog u garab taagan tahay iyadoo maalin walba qaraxyo ka dhacaan iyo dilal qorsheysan.
Beesha Habargidir markii ay ogaatay Biimaal waxaasi waxba loogu qaadeyn waxay mar kale dagaal culus ku soo qaadeen degmada Number50 iyo Ceelwareegow ee isla gobolka dabayaaqadii bishii July sanadkan. dagaalkaas wuxuu ujeedkiisu ahaa inay isabaaro dhigtaan wadada Number 50 ka dib markii ay awoodi waayeen inay mar kale qabsadaan magaalada Marka. degmadda Number50 oo ay ku sugnaayeen ciidamo amni oo dowladdu ku ogtahay hoosna tagga guddoomiyaha degmadaasi mudane C/hi Waafow waxay iska caabiyeen weerarkaasi, dagaalkaasi oo dhowr maalmood socda ciidamada deegaanka waxa u suuro gashay inay cagta mariyaan mooryaanta reer Guriceel iyo Cadaabo, maxaabiisna ka qabsaday.

DAGAALADAASI KA DIB MAXAA DHACAY?

Dowladda waxay shir isugu keentay beelaha Biimaal iyo Habargidir magaalada Muqdisho si loo soo afjaro colaadahaasi heshiisna loo gaaro.
Shirkaasi odayaashii beesha Biimaal si cad u sheegeen dowladda inay federal tahay qof kastana deegaankiisa loo madax banaaneeyo sidoo kale waxa xusid mudan in odayaashii Biimaal ay shirka ka sheegeen in cid kasta Soomaali deegaanka Biimaal lagu soo dhoweynayo oo ay degi karaa laakiin waxa waajib ah in maamulka loogu dambeeyo iyaga.
Shirkaasi oo lagu dhameeyey colaadahaasi waxa u cuntami waayey hogaamiyaashii beesha Habargidir oo isla markiiba waxay bilaabeen shirar dhexdooda ah oo qarsoodi ah, bishii September sanadkani shir ay isugu yimaadeen Indha cade, Goobaale, Xaaf, nin lagu magacaabo Mudane iyo rag kale caan ah waxa ay qaateen go’aan ah wejiga dagaalka la badelo maadaama beesha Biimaal awood ciidan la soo baxday, shirkaasi waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha.
Waxay isla qaateen in ciidanka dowladda la qaldo oo loo sheego in Shabaab lala dirirayo, howlgalkaasi waxa loo xilsaaray Goobaale iyo Indhacade in ay fuliyaan.

Si loo fuliyo mu’aamaraadkaasi Goobaale waxa uu kulan la qaatay bishii October guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Siddii isaga oo u sheegay in dhowaan magaalada Baraawe weerar lagu yahay si Shabaab magaalada loogu saaro,
Sidii arrintaasi aad ayuu u soo dhoweeyey wuxuu u tegay dhamaan guddoomiyaasha degmooyinka sida guddoomiyaha degmada Number 50 C/hi Waafow isagoo ku wargeliyey in goor dhow Shabaabka Baraawe lagu duuli doono, (Warqabadka shabakadda www.markacadey.com ma cadeyn karo in Sidii shirqoolka qeyb ka ahaa)

Goobaale oo Soomaalidu wada ogtahay danbiyada uu shacabka Jubbooyinka iyo Afgooye hadda uu ku sugan yahay ka galay, ayaa dowladdu waxay ku sharaftay dalacsiin jananimo iyo in loo magacaabo taliyaha guutada 5-aad ee xoogga dalka.

15 November sanadkan Goobaale waxa uu ciidamo ka soo ururiyey aagaga Walanweyn, Afgooye, Ceelasha iyo Muqdisho.
Ciidamadan oo qaarkooda la soo qalday ayaa galabnimadii 16 November waxa la isugu keenay magaalada Afgooye iyagoo ku hubeysnaa in ka badan 40 gaddiidka dagaalka loo yaqaano tiknikada oo ay ku raki ban yihiin hubka culus.
Warqabadka Markacadey.com oo xog badan ka heshay ciidankaasi waxan ku ogaanay inay u badnaayeen beesha Habargidir waxan sidoo kale ogaanay inay ku wehliyeen ciidamo dowladda oo la soo qalday oo ka soo jeeday qabaa’ilada: Raxanweyn,Abgaal,Murasade, Xawaadle oo loo sheegay in Baraawe loo socdo.

Aroortii 17 Nov maalintii doraad, Ciidamada waxa ay ka soo dhaqaaqeen Afgooye iyaga oo ku soo baxay wadada dheer ee isku xirta Afgooye-Number50-Baraawe.
Raacii u horeeyey oo Goobaale hogaaminayey waxay xabadda ku bilaabeen ciidankii amniga degmada Number 50 oo aan war u hayn waxa socda. Dagaalkii ayaa sidaa ku bilowday.
waxa hirgalay qorshihii Habargidir dejisay ee ahaa iska horkeenka dadka deegaanka iyo dowladda waxa si buuxda u bilowday dagaalkii ugu cuslaa ee abid gobolkaasi ka dhaca. dagaalka subaxaasi dhacay oo lagu soo kadiyey dadka deegaanka, Guddoomiye waafow waxa uu amray ciidankiisa inay dib u soo gurtaan si aan shacabka lagu kor dagaalamayo dhib u gaarin.

Dagaalka oo bilowday 10kii barqanimo, nasiib wanaag ciidamada deegaanka waxa u suuro gashay 1-dii duhurnimo inay dib u riixaan ciidamadii soo duulay ka dib markii gurmad xoog leh uu ka soo gaaray magaalooyinka Jannaale, Ceelwareegow iyo Marka.
dagaalka oo sii kululaaday waxa maleeshayadii Goobaale uu watay loo riixay deegaanka Muuri oo dhinaca Xamar ka xigta deegaanka Number 50.
maqribaddii ciidamada waxa ay ku kala hoydeen Number50 oo ciidamada deegaanka joogeen iyo kuwii kale oo ku hoyday Muuri.

Ciidamadii Goobaale uu soo qalday gaar ahaan kuwii beesha Raxanweyne ka soo jeeday dagaalka waa ay ka baxeen isla habeenkaas waxa ay dhaheen waa nala soo qalday dagaal labo beelood ayaa dhexgalnay waxayna u dhaqaaqeen dhinaca iyo Afgooye.
Goobaale oo arrintaasi ka xumaaday waxa uu gurmad ka dalbaday  Jeneral Indha qarsho oo ah taliyaha ciidanka Qaranka oo isna ka soo jeeda beesha Sheekhaal gurmadkaasi oo gaarayey 18 tikniko iyo weliba madaafiicda goobta.

Aroortii shalay 18 Nov ciidamadii Goobaale iyo Indhacade oo ay ku soo biireen Xaaf iyo Qaafow ciidamo ay wataan waxay soo fadhiisteen meel Number 50 u jirta 6km.
7 subaxnimo shacabkii reer Number50 waxay ku waabiriisteen madaafiicda goobta oo lagu garaacayo guryahoodii. Shacabkii waxay bilaabeen inay ka qaxaan guryahoodii maadaama ay ku soo dhacayaan madaafiic meelo fog laga soo ganayey.

Guddoomiye Waafow, guddoomiyaha degmadaasi wuxuu ku amray xeelad dagaal darteeda in ciidankiisa magaalada ka baxaan si loogu turo shacabka. saacadu markii ay aheyd 8-dii subaxnimo waxa magaaladda dhinac ka qabsaday ciidankii ay hogaaminayeen Indhacade, xaaf, Qaafow iyo Goobaale halkaasi dad shacab dumar, carruur iyo da’ u badnaa ku xasuuqeen hantina ay ku boobeen.

Shir deg deg ah oo hogaamiyaasha Biimaal ku yeesheen magaalada Marka waxa lagu go’aamiyey in shacabka reer Number50 iyo maamulkooda loo gurmado, duhurnimadii waxa goobta dagaalka soo gaaray ciidamo gurmad oo ka yimid magaalada Marka si ay ugu biiraan ciidanka guddoomiye Waafow.
Dagaal Saacado socday waxa ciidankii uu hogaamiyey Mudane Waafow u suurogashay inay la wareegaan gebi ahaan degmada Number50 banaankana ugu saaraan tuugada soo duushay.
Ciidamadii soo duulay waxa galabtii looga daba tegay deegaanka Muuri halkaasi oo loogu soo furtay 3 gaadiid uu ka mid yahay gaadhigii saadka u saarnaa oo rasaas badan halkaasi loogu furtay.
Jabkii iyo halaagii ka qabsaday deegaanka Number50 mooryaantii Goobaale waxa ay xalay gaareen Laanta Buuro, warar hoose oo aan xalay ka helnay deegaankaasi waxay sheegayaan in ciidamadii Goobaale la socday gaar ahaan kuwii Murasade iyo Xawaadle dagaalka isaga baxeen. Waxa abaabulka dagaalka keli ku noqday beesha Habargadir oo ku fashilmay hamigoodii ahaa inay ka taliyaan deegaanada beesha Biimaal.

Arrintaasi markii uu ka warhelay wasiirka daakhliga C/kariim Guuleed oo beeshan ka soo jeedda wuxuu la soo xirriiray guddoomiyaha degamada Number50 mudane C/hi Waafow isagoo u sheegay in uu safar ku imaanayo deegaanka si nabadda loo soo celiyo.
Xalka iyo nabadda uu raadinayo waxay ku jiraan iyada oo Habargidir iska ilowdo riyada ay ku jirto ee ah inay xoog ku qabsadaan dhul dad kale leeyahay.

Mohamuud Idaa Zulzilad

About Idaa zulzilad

Idaa zulzilad

11 comments

  1. allaah yacizak si fiicanbaad usharaxday

  2. ac
    Qaran soomaaliyeed oo sax ah ma dhalan karo inta uu jiro qabiil soomaaliyeed oo ku duulaya dhul ay leyihiin walihiisa soomaaliyeed.1991 markii ina Barre laga saaray muqdisho soomaali badan oon anigu ka mid ahay waxaan filaynay in beesha Hawiye ee xamar qabsatay Maxamed siyaad ka fiicnaato oo ay dhisto dowlad ka fiican tii Maxamed Siyaad iyadoo kaashanaysa dhamaan soomaalidii dowlada la dagaashay iyagoo ka gilgilanaya dulmiga dowlada.Sidaan arintaa u sugaynay waxaa dhacday in Hawiye soomaali oo dhan ku duulo oo uu bilaabo dhul boob isaga oo ay horkacayaan Habargidir,Xawaadle,Murarsade,Abgaal iwm.Markay soomaali wixii ay cagta marin kareen mariyeen ayay iyagu isku jeesteen.Dagaal dheer ka dib waxaa u suuragashay hawiyihii ka soo duulay gobolada dhexe in uu xoog ku qabsado Muqdisho inteeda badan,Shabelada hoose,Baydhabo ilaa kismaayo.Baydhabo shaati guduud ayaa ka soo saaray.Kismaayo waxay ka heleen mareexaan oo ay isku dan ahaayeen habargidir,mareexaana wuxuu ogolaaday in si wada jir ah loo qabsado kismaayo.
    Dadka daneeya in ay soo laabato dowlad dhexe oo cadaalad ku dhisan oo ay yeelato soomaali waxay aaminsan yihiin in marka hore hawiyaha gobolada dhexe ka yimid iyo mareexaanka gobolada dhexe ka yimid oo lagu magacaabo reer galgaduud ay ku laabtaan galgaduud ay ka baxaan Kismaayo,Shabeelada hoose iyo Muqdisho.Taxaalufkaa hada Kismaayo waa laga soo saaray,hadana dagaalku wuxuu ka socdaa Shabeelada hoose laakiin waxaad ogaataan kismaayo iyo shabeelada hoose nabad arkimaayaan soomaalina dowlad xalaal ah u dhalan mayso inta walaalaha galgaduud muqdisho haystaan waayo muqdisho waa xaruntii dhaqaalaha soomaaliya,marka inta nimankaasi dhaqaalaha muqdisho gacanta ku hayaan dowlad cadaalad ah ma rabaan,kaliya waxay rabaan in gacanta ku dhigaan inta u dhaxaysa muqdisho ilaa kismaayo. Soomaalida dhulkaa degta iyaga kaliya waxaa deeqa dowlad cadaalad ku dhisan iyo reer galgaduud oo dhulkooda uga guura kuna noqda galgaduud iyo dhulkii ay ka soo haajireen.
    Arintaasi waxay keeni kartaa ugu danbayn in walaalaha galgaduud dumiyaan dowladnimada ummada soomaalida oo ay soomaaliya ku sii socoto sidii ay ahayd 23 sano ee ina dhaafay iyo in walaalaha galgaduud gabi ahaanba laga saaro shabeelada hoose iyo Muqdisho oo lagu celiyo galgaduud,dadka reer muqdisho iyo reer shabeelada hoosena ay ka taliyaan dhulkooda sida qabiilada kale.
    Intaa wixii ka danbeeya waxaa soo laaban kara dowlad cadaalad ku dhisan.
    Hadalkan siyaabo kala duwan ayaa loo fasiran karaan laakiin anigu waxaan aaminsanahay jidkaan aan tilmaamay jid ka dhow oo loo qaadi karo qaranimo soomaaliyeed oo cadaalad ku dhisan ma arko ee akhristow hadaad adigu aragto u soo gudbi ummada,hadalkaagana wax cad ku salee.
    wc

  3. wasame samadon saaxiib waan kusalaamaayaa aritaas sifiican ayaad ufahansantahay

    • To xiniftire
      waa dab aan ku soo gubtay hada ka hor.Hadii dagaalka shabeelada hoose sii socdo habargidir waxay haysataa warbaahinta muqdisho marka waxay isku dayi doonaan in soomaalida aan wax fahansanayn ay ka dhaadhicaan in waxa dagaalami ay yihiin alshabaab iyo dowlada.Hadii arintaa lagu fahmo waxay isku dayi in hogaanka biyomaal ee shabeelada hoose ay dhahaan waa Dir ka yimid somaliland,itoobiya iyo jabuti ilaa hadalkaa soomaalida kale iska daaye dadka biyomaal badhkood shaki galo oo ay dhahaan armuu hadalkaa wax ka jiraa.
      ugu danbayn hadii biyomaal,Digil iyo Mirifle ay qadiyadooda xajistaan oo ay si cad ugu sheegaan ragaa in ay ku laabtaan dhulkooda way guulaysan,soomaalina way guulaysan markaa oo dowlad xalaal ah ayaa so dhow.

  4. waa guu alle haday intaas oo isku day ah ku guuldaraysteen walxaaan uumahad celinayaa dhamaan beelaha somaliyeed ee ciidamadooda lasoo qalday kala baxay markii danbe sida beesha murusade xawaadle &dhamaan digi&mirifle.

  5. &beelaha mudulood waxaan lee yahay cadow giina waa cadowga somaliyeed oodhan waana habar gidir waxa xammar qarxinaya waa habar gidir somaliyana dagaalka ka wada waa habar gidir caruurtiina waxa qixinaya waa habar gidir agbaal cusmaal lo diisa ilaa kismaayo ayay daaqdaa cidna lama hadasho waayo waa dad darif fiican islaamna ah

  6. Qoraagu xaqiiqdii runtuu nootaabyay
    Wuuna mahadsan yahay xaqiiqdii biyamaal waa halgamayashii u halgamay in aan Somali lagumaysan
    Naftodana u huray difaaca dadka iyo diinta waxaan leyahay ilaah ha quweeyo biyamaal

  7. Asc .

    Runtii waa wax laga xumaado maanta oo soomaalidu ka soo daashey dagaal in labilaabo dhul balaarsi . aniga waxaan orankaraa allah ka cabsada kuwa doonaya in ay Boobaan Dadka dhulkooda war walaalihiin ixtiraama Soomaaliya waa weyntahay Dhulbanaan ayaa jira dhulkaas dega . allah ka cabsada , Runtii Anigu Ma ahi Biimaal . waxaan ahay Soomaalida kale EE Jecel nabadgelyo in lagu soo cesho Dalkeena Soomaliya . Maanta ma ahan Maalitii madoobeyd . maanta waa maalin cad oo aan cidna la khaldi karin . Dadka Doonaya Nabadgalyo xumida . Rabshada iyo dhiigdaadinta waxaan u sheegaynaa in ay ka tanaasulaan waxa ay sameynayaa ee ah Dulmiga . Runtii looma dulqaadandoono waxa ka socda Deegaanadaas lagu dagaalmay . Hadaanahy Umada soomaaliyeed ee ka madaxbanaan Dagaalkaas waxaan soo jeedinaynaa in Allah laga boqo . oo la isku tanaasulo .

    baaq gaaban oo ku socda Madaxwenaha hada xilka haya ee xassan Shiikh . Walalaoow Allah ka cabso Dadka ku hogaami walaaltinimo . Cidna ha u eexan cidna hub ha siin . ee si soomalinimo ku jirto u taageer nabadgelyada iyo deegaanada nabadu kajirto .

    asc

  8. S/C/W/W. Wiil Surre.

    Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin reer =MAHA DIR= aniga waxaan marnaba iloobeey sidi geesinimada laheey ee aad isaga celisee mooryaanti umadda ILAAHEEY kanabadgelweeysay , waa ILLAAH mahadii hadiaad meel saarteen maanta , Soomaali oo dhana ogaatay in mooryaan laga’adkaankaro oo meel layska saarikaro xaqiiqdii waa wax somaali oo dhan ogaankarto , meeshaas ayeeyna ka dhawdahay Dowladnimadii Soomaaliya xaqiiqdi ,waxa cadaan ah in BEESHA BIYAMAAL MAHAMED XINIFTIRE MAHA DIR noqondoonto dawadii Soomaaliyeed,insha ALLAH. -=WABILAAHITOWFIQ=

  9. mansha allah haddii marba bimal isku duubanyahay iyo walalheena direed waa guul alle ina siiyey dir oo dhan hawiye iyo somali oodhan waa ikaga falan nahay ee aniga shaqsiyan aad baan uga faraxey sida wanagsan oo bimal iyo xildhibaanda direed udiideen boobka lala damacsanaa dhulkooda alle kubeeeray waxaana diyaar u ahay inaan imaado gobalkeena si aan ugarab istaago ciidankeena sharafta leh oo 24sac utaagan difacaada reerka iyo guud ahaan gobalka iyo magac direedba

  10. warsame samadoon walaal xili danbe ayaan jawaab taada helay waa sida aad usheegtay shaki kumajiro in ay nimakaan khidado badan oo munaafiqaysan isticmaalaayaan balse waxaan kukalsoonay beesh biimaal in ay maanta fahansantahay dhagarta habargidir ay xambaarsantaay iyo mu aamaradooda maadaama ay mudo dheer dadka sh hoose waxaas iyo wax kadaranba ay kusamayn jireen oo waktiga ayaa wax baray hada wxaa lasoogaaray xligii la iskariixi lahaa dulmigooda dhgartooda damaacigooda xaasidnimadooda hadii ay kawaantoobi waayaan dagaalka iyo weerarka ay wadaan waxaa imaandoonta haduu alah yiraahdo in gobolka sh hoose lagawaayo qof cidaas ah oo la ugaarsado sida haraga shabeelka oo lagu la dhaco ciil gaamuray dhamaan soomaalida kkonfur dagana ay meel uga soowada jeestaan

live webcam girls
Scroll To Top